Qarax dad badan ay ku dhinteen oo saakay ka dhacay Duleedka Muqdisho

Date:

Waxaa saakay Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Xaawa Cabdi ka dhacay qarax miino oo dad badan ay ku dhinteen.

Sida aan wararka ku helnay gaari nuuciisu yahay Hoomeey oo ka yimid dhinaca degmada Afgooye kuna soo jeeday magaalada Muqdisho ayuu  qaraxa ku haleelay laamiga hor mara isbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka muqdisho.

Qaraxan gaariga shacabka haleelay ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen 10-qof oo kamid ahaa rakaabkii gaarigaasi la socday,halka tiro kale oo aan badaneen ay dhaawacmeen.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen ganacsato qudaarta ka ganacsata, mana jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada qaraxan dadka badan ee shacabka lagu laayay.inkasta oo ficlilada noocaan ah ay ku caan-baxeen kooxaha argagixisada ah ee AL-Shabab iyo daacish.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa mararka qaar waxa uu haleelaa gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale gaadiidka yar yar eey wataan dadka shacabka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...