Galmudug Oo War Kasoo Saartay Dadka Baada Siiya Argagixisada Al-Shabaab

Date:

Axmed Macalin Fiqi oo ah Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in Ganacsatada iyo shacabka reer Galmudug ay uga digayaan in Al-Shabaab ay siiyaan lacagaha loogu yeero zakawaadka ee uu ku tilmaamay inay tahay baad shacabka in muddo laga qaadayay.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in sida Al-Shabaab ula dagaalamaan oo kale ay ula dagaalami doonaan dadka Al-Shabaab siiya lacagaha baada.

Deegaano ka tirsan Galmudug ayaa la sheegaa in Al-Shabaab ay ganacsatada iyo shacabka uga qaadaan lacago baad ah iyo xoolaha, waxaana dhowr jeer dhacay isku dhacyo dhex maray dadka deegaanka iyo Al-Shabaab oo la xiriiray qaadista lacagaha xoogga ay uga qaadanayaan.

Wasiirka Amniga dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Waxaa uu sheegay in dhowaan ay Baarlamaanka Galmudug horgeyn doonaan sharciga la dagaalanka Argagixisada, si ay wax badan uga bedelaan qorshaha lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo cida taageerta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...