Doorashada Madaxweynaha Burundi Oo Si Habsami Leh U Socota.

Date:

Dadka Reer Burundi ayaa maanta oo Arbaco ah dooranaya madaxweyne cusub oo beddala madaxweyne Pierre Nkurunziza, oo xukunka hayay muddo 15 sanno ah.

In kastoo ay jirto khatarta safmarka Corona, haddana dadweyne badan ayaa aroortii horre ee saaka la arkyay iyagoo safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta si ay doorashada uga qayb qaataan.

Dalkan oo ay ku nool yihiin 11 milyan, in ka badan shan milyan oo qof ayaa la filayaa inay u codeeyaan madaxweynaha cusub iyo baarlamaanka, sida ay sheegeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Goobaha codbixinta ayaa la furay saaka 6-dii aroornimo xilliga maxalliga ah, waxaana lagu wadaa in la soo gabagabeeyo 4ta galabnimo.

Toddobo murashax ayaa u taagan doorashada maanta ka dhaceysa Burundi, waxaana mid kasta uu rabaa inuu beddelo Nkurunziza, laakin fallaqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegeya in labo ka mid ah ay yihiin tartamayaasha ugu sarreeya.

Waxay yihiin Evariste Ndayishimiy, oo ah musharraxa xisbiga talada haya ee CNDD-FDD, iyo musharaxa ugu weyn ee mucaaradka National Congress for Liberty (CNL) ee loo magacaabay Agathon Rwasa.

Musharraxiinta waxay ku ololeeyeen ballan-qaad lagu hagaajinayo dhaqaalaha, in ay shaqooyin u abuuri doonaan da’ yarta, iyo midaynta dalka.

Ololaha doorashada, oo biloowday 27-ka Apriil ayaa soo dhammaatay Axaddii, waxaana hareeyay rabshado aan kala go ‘lahayn oo u dhexeeya taageerayaasha xisbiga talada haya iyo xisbiga mucaaradka ee CNL.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay goobaha doorashada, waxaana jira cabsi la xiriirta in ay dhacaan rabshado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...