Qeyb-Diid Iyo Madax Kale Oo Joojiyay Colaad Ka Taagnayd Deegaanka Ka tirsan Gaalkacyo

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid isla markaana ay qeyb ka yihiin maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo ayaa gaaray Degaanka Taarroge oo dhanka galbeed uga aadan magaalada Gaalkacyo, qiyaastii u jira 9km oo saakay ay ku dagaalameen maleeshiyaad ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Mas’uuliyiintaan ayaa ku guuleystay hakinta Dagaalkaan, waxaana la soo sheegayaa inay dib u kala rareen ciidamadii dirirtu u dhexaysayay

Mas’uuliyiinta maantay ku baxay kala celinta maleeshiyaadka Dagaalamaya ayaa maalmahaan waday dib u heshiisiin looga samayn lahaa degaankaasi oo colaadiisu taagnayd todobaadyadaan.

W/D: Baashi Cali Xaashi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...