Dowladda Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Toddobaadka La Dagaalanka Covid-19+Sawirro

Date:

Guddoomiyaha Guddiga Wacyigalinta Covid-19 ahna Wasiirka Wafaafin dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaciyay in guud ahaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilaabi doono ololaha wacyigalinta todobaadka ee ciribtirka Cudurka Karoona si dalka oo dhan loo gala dagaalamo .

“Ololahaan ayaa laga sameyn doonaan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan ula dagaalano cudurkaan safmarka ah ee aafeeyay caalamka aynu ka mid nahay si aan u ilaalino bad-qabka shacabka Soomaaliyeed”Ayuu yiri wasiir Maareeye

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna xubin ka tirsan Guddiga wacyigalinta Basmo Caamir Shakeeti ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb-qaatan la dagaalanka cudurkaan covid-19.

“Shacabka Soomaaliyeed eek u nool Caasimada waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeeyaan dagaalka aan kula jirno cudurkaan halista ah ee karoona Feyrus, waana loo baahanyahay in aan iska kaashano”sidaas waxaa yiri Basmo Caamir Shakeeti.

Dhinaca kale masuuliyiinta ayaa kormeer wacyigalin ah ku tagay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir iyagoo bulshada kaga wacyigalinayay qatarta uu leeyahay Cudurkaan islamarkaana uqeybiyeen maaska afka lagu xerto si looga taxa diro faafitaanka cudurkan safmarka ah ee covid-19.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ahna guddoomiyaha guddiga wacyigalinta ee Covid-19 ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ciribtirka cudurkaan .

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay inay ciribtirka cudurka covid-19 ee saameynta uu ku hayo dalka dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii ay uga hortagi lahayd “Ayuu ku yiri Maareeye.

Ololaha wacyigalinta iyo ka hortaga cudurka safmarka ah ee Karoona ayaa waxa uu si xowli ah uga socdaa dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani...

Ceeldheer ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee...