Hay’adaha U Xilsaaran Dib-U-Eegista Dastuurka Oo Si Wadajir Ah U Kulmay.

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shir-gudoomiyay kulan saddex geesood ah oo ku qabsoomay qaabka muqaal-shireedka Internetka kaasoo u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa la isku dhaafsaday warbixinno waxaana looga arinsaday caqabadaha jira ee ku hareereysan dhameeystirka dastuurka iyo sidii looga gudbi lahaa iyadoo maanka lagu hayo Caabuqa COVID19, waxaa sidoo kale looga dooday arrimha latashiyada dadweynaha, arrimaha farsamada iyo siyaasadda ee dastuurka oo qaarkood wadaxaajood u baahan iyo sidoo kale waqtiga ka haray qorshaha dhameeystirka Dastuurka.

Wasiir Saalax Jaamac ayaa ka hadlay dardargelinta howlaha horutabinta leh ee muhiimadda u leh dhameeystirka dastuurka isaga oo adkeeyay in la kordhiyo la tashiyada dadweynaha si wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee dastuurka ku saabsan kor loogu qaado.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga Baarlamaanka Sen Cabdiqeybdiid iyo Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan Prof. Maxamed Afrax aya si wadajir ah waxa ay uga warbixiyeen howlaha u qabsoomay labada guddi waxa ayna sidoo kale muujiyeen heerka ay gaarsiisanyihiin caqabadaha taagan ee uu ugu horeeyo Caabuqa COVID19 iyagoo dhanka kale tilmaamay in caqabadahan ay ku soo aadeen xiligii ugu wanaagsnaa ee dib-u-eegista iyaga oo ku sababeeyay in howlo badan oo adag la soo qabtay kuwo kale oo muhiim ahna ay dhimanyihiin sidoo kale wacyiga dadweynaha ee dastuurka iyo wadashaqeynta hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka dastuurka ay meel wanaagsan marayaan.

Gebogabadii, Wasiir Saalax Jaamac oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyay howlaha qabsoomay waxa uuna ku dardaarmay in la xoojiyo wadashaqeynta si looga mirodhaliyo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Xarunta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...