Hay’adaha U Xilsaaran Dib-U-Eegista Dastuurka Oo Si Wadajir Ah U Kulmay.

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shir-gudoomiyay kulan saddex geesood ah oo ku qabsoomay qaabka muqaal-shireedka Internetka kaasoo u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulanka intii uu socday ayaa waxaa la isku dhaafsaday warbixinno waxaana looga arinsaday caqabadaha jira ee ku hareereysan dhameeystirka dastuurka iyo sidii looga gudbi lahaa iyadoo maanka lagu hayo Caabuqa COVID19, waxaa sidoo kale looga dooday arrimha latashiyada dadweynaha, arrimaha farsamada iyo siyaasadda ee dastuurka oo qaarkood wadaxaajood u baahan iyo sidoo kale waqtiga ka haray qorshaha dhameeystirka Dastuurka.

Wasiir Saalax Jaamac ayaa ka hadlay dardargelinta howlaha horutabinta leh ee muhiimadda u leh dhameeystirka dastuurka isaga oo adkeeyay in la kordhiyo la tashiyada dadweynaha si wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee dastuurka ku saabsan kor loogu qaado.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Gudigga Baarlamaanka Sen Cabdiqeybdiid iyo Gudoomiyaha Gudigga Madaxabanaan Prof. Maxamed Afrax aya si wadajir ah waxa ay uga warbixiyeen howlaha u qabsoomay labada guddi waxa ayna sidoo kale muujiyeen heerka ay gaarsiisanyihiin caqabadaha taagan ee uu ugu horeeyo Caabuqa COVID19 iyagoo dhanka kale tilmaamay in caqabadahan ay ku soo aadeen xiligii ugu wanaagsnaa ee dib-u-eegista iyaga oo ku sababeeyay in howlo badan oo adag la soo qabtay kuwo kale oo muhiim ahna ay dhimanyihiin sidoo kale wacyiga dadweynaha ee dastuurka iyo wadashaqeynta hay’adaha u xilsaaran dhameeystirka dastuurka ay meel wanaagsan marayaan.

Gebogabadii, Wasiir Saalax Jaamac oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyay howlaha qabsoomay waxa uuna ku dardaarmay in la xoojiyo wadashaqeynta si looga mirodhaliyo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...