Mudug:-(SNTV)-Taliyaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka General C/Casiis C/laahi Cabdi “Qooje” ayaa sheegay in lagu guulestay heshiis hordhac ah oo la dhax dhigay beelo ku dagaalamay deegaanka Laas-Gacameey oo 15-Km u jira Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.
Taliyaha ayaa sheegay in ay si buuxda ugu guuleysteen in la xaliyo Coladii ka taagneyd degaanka Laas-Gacameey, islamarkaana go’aan lagu gaaray in ciddii heshiiska baal marta tilaabo laga qaadi doono.
Kulanka heshiisiinta oo socday muddo Lix cisho ,isla markaana ay ka qeybgaleen Odayaasha dhaqanka iyo madaxda Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ,waxaa lagu go’aamiyay in laga gudbo muranadii jiray ku waasi oo ragaadinaya nabada iyo horumarka degaanka iyo howlgalada Ciidamadu ay ku doonaayeen in ay ku wajahaan deegaanada Al-Shabaab ay ka joogaan Gobolka Mudug.