Wasaaradda C/fimaadka Soomaaliya Oo Daahfurtay Adeegga Macluumaadka Whatsapp

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay maanta daahfurtay Adeega Macluumaadka Coronavirus ee WhatsApp.

Adeegan cusub oo lacag la’aanta ah ayaa waxaad kaheli kartaa xogta Coronavirus ee ugu dambeysey, oo sugan, saxnaanshaheedana la hubiyey, iyadoo ujeedku yahay inaan gudano waajibaadkeena ah in bulshadu marwalba la socdaan xaalada caabuqa COVID-19 ee dalka.

Adeega Macluumaadka Coronavirus ee WhatsApp waa ‘Robot kuu jawabaya’ oo u sahlaya bulshada Soomaaliyeed inay jawaabo u helaan su’aalaha soo noqonoda ee ku saabsan Coronavirus, jawabaahaas oo idiin ka imanaya Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya.

Iyadoo uu sahlayo wada sheekaysi laba dhinac ah, Adeega Macluumaadka Coronavirus waxaa lagu dhisay WhatsApp Business API, waxaana loo adeegsaday barta xiriirka adduunka ee ay leedahay Infobip si loo sahlo in dadku wadaagaan xogta la xiriirta Coronavirus.

Adeegani wuxuu Wasaaradda Caafimaadka Federaal Soomaaliya u sahlayaa in si deg deg ah oo waqtiyeysan ay bulshada oo dhan ula wadaagto xogaha muhiim ka ah.

Dhammaan dadka ka isticmaala WhatsApp waxay heli karaan macluumaad lacag la’aan ah. Waxaad mobile-kaaga ku kaydsataa (sayf-garee) lambarka: +252 61 3 600700. Hadaba, si aad u isticmaashid, markaad lambarka sayf-garaysid kadib, waxaad doorataa WhatsApp-ka lambarkaan, kadibna waxaad ku qortaa tusaale ahaan ‘Asc’, tani waxay ku siisanaynaa liis aad kala dooran kartid. Sidoo kale waxaa ka geli kartaa adigoo gujinaya: https://bit.ly/MoHSomalia

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar Nur oo ka hadashay iskaashiga Wasaaradda, WhatsApp & Infobip ayaa tiri “Sida aan ognahay, WhatsApp waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan baraha bulshada ee Soomaaliya laga isticmaalo. Sidaas darteed, waxaan u mahadcelinaynaa WhatsApp & Infobip doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen dadaallada wacyigelinta bulshada ee aan ku xakamaynayno caabuqa Coronavirus.”

Matt Idema, Madaxa Hawlaha WhatsApp, wuxuu ka yiri arinkaan “Waqtiyadan adag oo kale, dadku waxay aad u adeegsadaan WhatsApp-ka si ay ula xiriiraan una caawiyaan qaraabadooda, asxaabtooda iyo bulshadoodaba. Waxaan ku faraxsannahay inaan ku caawino Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya hab isgaarsiineed kaas oo u sahlaya inay su’aaaha bulshadooda ka imanaya ay ka bixiyaan jawaabo lagu kalsoon yahay iyo talooyin caafimaad oo deg-deg ah si loo xaqiijyo badqabka bulshada.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...

Hay’adda NISA oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Liiska horjoogeyaasha Khawaarijta ee lagu dilay howlgalladii ay fuliyeen...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirkii 11-aad Ee OACPS Ee Equatorial Guinea

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...