Tartamayaasha Degmada Kaxda Oo Xalay U Soo Gudubtay Wareegga 3-aad Ee Tartanka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 22-aad oo ah wareegga labaad kulankiisa todobaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Kaxda Vs Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Bakool, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kaxda Vs Xudur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac intii uu tartanka socday.

Kaxda

Tartameyaasha Degmada Kaxda ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay Xudur, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaxda ay heleen waxay noqotay labo iyo toban (12) dhibcood.

Xudur

Tartamayaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Kaxda, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xudur waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka ugu dambeysa ee wareegga 2aad ee tartanka, isla markaana ah habeenka Labo iyo labaatanaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doona degmooyinka Warta Nabadda Vs Xamarweyne oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud...

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...