Maamulka Dhuusamareeb oo Amarro ka soo saaray dhulalka sharci darada ee Magaalada

Date:

Maamulka Magaalada Dhusamareb ayaa soo saaray Amaro ka dhan ah Dhulalka iyo Dadka Dhisanaya Wareegto ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow ayaa Bulshada looga digay inaysay Dhisin Dhulalka iyagoon soo ogaysiin Maamulka.

Arrintaan ayaa timid ka dib markii ay maalmahaan soo bateen kiisaska is qab qabsiga dhulalka waxaana maamulka ku sababeeyay inaan sharciga loo hogaansamin .

Sidoo kale maamulka Magaalada waxa uu sheegay in cidi la helo iyadoo sharciga baal mareysa laga qaadi talaabo sharciga waafansan islamarkaana bulshada ay qaataan nidaamka Dowladnimada.

Dhinaca kale Maamulka ayaa Mamnuucay inaan la qaban karin Shirarka iyo Kulamada Bulshada ee aan Maamulka la soo ogaysiin si looga hortago faafitaanka Xanuunka Covid-19.

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareb  Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow oo  goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aanan la ogeyn shirarka ay dadweyne isugu imaanayaan madaama loo baahanyahay in la qaato fariimaha wacyigalinta ee looga hortagayo Faafitaanka Cudurka safmareenka ah ee Karoona Feyruska.

“Lama ogola in la qabto shirar iyo in laysku yimaado goobaha bulshada ay ku kulmaan maxaa yeelay cudurkaan sida ugu fudud uu ku faafi karo waa isdhaxgalka sidaa daraadeed waa muhiim la qaato fariimaha wacyigalinta “sida ayuu yiri guddoomiye Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-qorow

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi...