Guddoomiyaha Degmada Luuq ee Gobalka Gedoย Ibraahim Maxamed Nuur (Towfiiq) ayaa sheegay in 92 Tuulo ee uu maro Webiga Jubba uu ku fatahay isagoo khasaaro lixaad leh tuulooyinkaasi gaarsiiyay.
Mudane Towfiiqย oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in ay Biyuhu la tageen 29 Matoor iyo dhammaan dalagyadii ku yiillay Webiga hareerahiisa.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan Ayax mar kale ka dilaaca nawaaxiga Luuq iyo cudurrada ka dhasha xilli Roobaadka, haatana ay fara baโan ku hayaan Cayayaannada waxyeelleeya Dadka, Daaqa iyo Dalagga, isagoo walaac xooggan ka muujiyay in halkaasi ay ka dillaacdo macaluul, maaddaama ay Duullimaadyadu xiran yihiin, Dhulkana ay ka daโeen Roobab gooyay Waddooyinka.
Ibraahim Towfiiq ayaa Dowladda Soomaaliya iyo hayโadaha samafalka ugu baaqay in Dadka ku dhaqan Degmada Luuq ay la soo gaarto gargaar Biniโaadamnimo, maaddaama ay dalagyadoodii iyo xoolihii ay dhaqanayeenba ay intooda badan ku waayeen fatahaaddii ka dhalatay Webiga Jubba.
