Dadka uu haleeyay COVID19 waxuu gaaray 4-milyan iyo 270 kun oo dhimasha ah

Date:

Fayraska Corona wuxuu diley ugu yaraan 271,780 qof tan iyo markii ugu horreysay oo uu ka soo ifbaxay dalka Shiinaha bishii  December ee sanadkii la soo dhaafay, sida lagu sheegay tirakoob ay sameysay wakaaladda wararka Faransiiska Jimcihii, sida ay xaqiijinayaan ilo rasmi ah tirada dadka dunida ee uu haleelay Corona Virus waxay gareen 4-milyan oo xaalad.

Jimcihii Mareykanka wuxuu diiwaan geliyay dhimashada 1,635 qof oo uu sababay Corona 24 saac gudahood.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ka walaacsan wararka dhiilada ah ee ka soo kordhaya Corona Virus maaddaama xogta la helay ay muujineyso in wadanka uu lumiyay in kabadan 20 milyan oo shaqooyin ah tan iyo markii gudaha dalkaasi uu ka dilaacay xanuunkan.

Sidi xaalada degdega ah loo giyay Mareykanka heerka shaqo la’aanta ayaa kor u kacday 14.7%, waxaana la sadaalinayaa haddii ay sii socota xaaladaha uu abuuray xanuunkan in shaqo la’aanta ay gaari karto 25%  bilaha soo socda.

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa ku taliyay in la ilaaliyo dhamaan xuduudaha dalalka Yurub inta laga gaarayo 15 bisha June si loola dagaallamo cudurkan faafa ee Corona Virus.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...