Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddiga ka hortagga Daadadka

Date:

Dhuusamareeb.(SNTV):- Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, ayaa lagu magacaabay Guddiga Gurmadka iyo kahortagga Daadadka, wareegtada ayaa u qorneyd sidaan:-

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa Markuu arkay, Daadadka iyo xaaladda bini aadannimo ee ka soo korodhay Deegaanka Bacadweyne;

Markuu arkay: Baahida loo qabo in si deg deg ah gurmad dhinac walba ah loo fidiyo dadka ay waxyeeladu ka gaartay daadadka Gu’ga;

Markuu tixgaliyey:  In wali lagu jiro xilli roobaadkii Gu’ga, iyo in ay soo laaban karaan daadad nuucaas oo kale ah;

Wuxuu Xeeriye

Qodobka 1aad

Magacaabidda Guddiga Gurmadka iyo Ka hortagga Waxyeelada Daadadka oo kala ah:

  1. Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.
  2. Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
  3. Wasaaradda Maaliyadda
  4. Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta
  5. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-udhiska.

Qodobka 2aad

  1. Waa in Guddigu si deg deg ah uga hawl galaan sidii gurmad iyo gargaar lagu gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan deegaanka Bacadweyne oo hoy iyo hantiba ku beelay roobabkii xoogganaa ee halkaa ku fatahay, sidoo kale ay u diyaar garoobaan sidii ka hortag loogu sameyn lahaa in ay soo laabato xaaladdaas oo kale.
  2. Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Soomaaliya, hay’adaha gargaarka iyo cidkasta oo ka qeyb qaadan karaysa sidii loogu gurman lahaa dadka reer Bacadweyne in ay lasoo gaaraan gurmad iyo gargaar deg deg ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...