Mascuud Ozil oo dadka danyarta ee ku nool Soomaaliya ugu deeqay raashin lagu Af-furinayo

Date:

Mascuud Ozil ayaa sheegay in u afurin doono 16,000 qof oo Muslimiin ah bisha Ramadaan, kuwaas oo ka kooban 2,000 qoys oo Suuriyaan iyo Turkish ah.

Dhanka kale Laacibkan ayaa 90,000 ayaa dadka Soomaaliya ee Dan yarta ah ugu deeqda cunto Af-fur ah, taasi oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, lacagta ka baxaysa oo caddadkeedu garage £80,000 uu gacanta ka saaray Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga.

Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa waddankaas u sheegay in sannadka oo dhan ay quudiyaan dadka baahan, isagoo uga mahaceliyay  muxsiniinta sadaqada ugu tabaruca dadka danyarta bish Ramadaan.

Kerem Kinik ayaa sheegay in u mahadcelinyo dadka isku hawlay in ay la qaybsadaan walaalhooda af-furka bisha Ramadaan ayna  ku garab istagyaan   kuwa u baahan 365-ka kalmaada.

Ozil ayaa hore ula shaqeeyey hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, iyadoo markii uu guursaday uu u dhiibay lacago lagu quudiyo qoysaska baahan.

Xiddigan caalamiga ah ee xulka qaranka Germany oo asal ahaan kasoo jeeda Turkey, waxa sannadkii uu sadaqo ku bixiyaa lacag lagu qiyaasay £2 Ozil ayaa dhowaan iska diiday inuu ogolaado in Arsenal ay mushaharkiisa ka jarto lacag dhan 12.5 boqolkiiba oo ay ciyaartoyda kale ee kooxdu ogolaadeen, hase yeeshee waxa muuqata in lacagtiisa uu u adeegsanayo bixiinta kalmaada dadka u baahan in loogu tabaruuco ee  Diinta Islaamku jidaysay oo uu Allah ugu dhowaanayo.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...