Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo qalab lagula tacaalayo Covid-19 gaarsiisay Dhuusamareeb

Date:

Diyaarad siday gar gaar Caafimaad ayaa saakay ka dagtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

Agabkan Caafimaad oo ay Dowladda Soomaaliya gaarsiisay Dhuusamareeb ayaa isugu jiray maaska afka lagu xerto, agabka gacmaha la gashto iyo qalabkale oo dhammaantood loga tala galay in loo isticmaalo ka hortaga cudurka karoona.

Wafdi ka socday Xafiiska Ra’isulwasaaraha dalka iyo guddiga qaran ee la tacaalida Cudurka Covid -19 ayaana gaarsiiyay qalabkaan Maagalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore qalab Caafimaad oo loogu talagalay ka hortaga Cudurka Karoona gaarsiisay Magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo taasi oo qeyb ka ah daawo ay Dowladdu gaarsiineyso dhammaan Maamul Goboleedyada dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...