Dowladda Soomaaliya oo Xoojineysa ololaha wacyigelinta ka hortaga Covid-19

Date:

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Nuur Maxamed xasan , Wasiirka warfaafinta Xukummada Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir  xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Barlamaanka Soomaaliya, agaasimayaal iyo madaxda degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay kulan heersara ah oo lagu xoojinaayo wacyigalinta ka hortaga cudurka Coronovirus.

Kulankan oo ka dhacay aqalka Dowlada hoose Xamar ayaa lagu faray agaasimayaasha Dowlada hoose Xamar iyo maamulada degmooyinka in wacyigalin xoogan ay ka fuliyaan Degmooyinka  si looga hortago cudurka halista ah ee Covid-19.

Kulankaan ayaa waxa uu hor dhac u ahaa Olole lagu  wacyigelinayo bulshada Caasimada iyadoo laga fulin doono dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si loo xakameeyo Cudurka dalka ku sii fidayo ee Karoona Feyrus.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojineyso ololaha lagula dagaalamayo Cudurkan qatarta ah ee Covid-19 waxaana tirada dadka usoo ritay ay gaartay in kabadan 600 qof iyadoo dadka u geeriyooday gudaha dalka ay gaartay 28 waxaana ilaa iyo hada ka caafimaaday 31 qof tan iyo markii uu dalka soo galay.  

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...