Madaxweynaha Hirshabelle Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Dadka Waxyeelada Ka Soo Gaartay Daadadka Qardho

Date:

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyadeeyey dadkii ay waxyeelada  ka soo gaartay  roobabka gu’ga ee ku soo rogmaday Magaalada Qardho saameynta Culus ku yeeshay dadkaasi.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ugu murugooday dhibaatada Daadadkaasi ay ku yeesheen Dadka Qardho, waxaana uu ugu baaqay Cid kasta oo garab istaagi karta Walaalaha Puntland in ay garab istaagaan, waxaana guddiyada Fatahaada Hirshabelle oo ay hormuud u yihiin Guddoomiyeyaasha Labada Gobol ee Hiiraan Iyo Shabeelaha Dhexe uu faray in ay u istaagaan Abaabulka U gurmashada Dadka Reer Qardho

“Waxaan aad ula murugoonaynaa walaalaha Qardho saameynta Culus ay ku yeesheen Daadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee dalka ka curtay, gudoomiyeyaasha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiyaha Gobalka shabellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan waxaan farayaa in si deg deg ah ula shaqeeyaan gudiyada gurmadka Hirshabelle State ay shacabkeeda ugu talagaleen walaalahood reer Qardho arrintaan abaabulkeedana ay horseed u noqdaan ayuu yiri” Madaxweyne Waare.

Sidoo Kale Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa Hogaanka Puntland Ku amaanay dadaalada Gurmadka Deg dega ah ay ka geysanayaan Dhibaatada saameysay Dadka Reer Qardho, waxaana uu ku micheeyay isku duubnida Shacab, Dowlad, iyo Madaxweyne Deni in ay horseed u tahay Ka gudbitaanka dhibka kasta oo jira wuxuuna madaxweynuhu uu bogaadiyay isku duubnidaas.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Reer Puntland garab istaagoodii walaalnimo oo fatahaadii ugu dambeysay Bulshada Hirshabelle ay u muujiyaan waxaana taasi daliil u tahay sida shacbiga Hirshabelle iyo Puntland uu uga dhexeeyo xiriir Qoto dheer oo walaalnimo iyo Ganacsi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...