Xiliga Uu Boris Johnson, R/Wasaaraha Ingiriiska Uu Shaqada Dib Ugu Laabanayo Oo Daaha Laga Rogay.

Date:

Xafiiska R/Wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa shaaciyay in Boris Johnson uu maalinta berito ee Isniinta ah ay taariikhdu ku beegan tahay 27-ka bisha April 2020-ka uu  shaqada ku soo laaban doono.

Muddo laba todobaad laga joogo ayay ahayd markii uu ra’iisal wasaaraha ka soo baxay cisbitaal ku yaal London, halkaasi oo uu mar cudurka Covid-19 u galay qeybta xaaladda degdega ah.

Waxa uu saameynta xanuunka uga soo reysanayay hoygiisa rasmiga ah, halkaasi oo uu telefoonka kula hadlay Boqorad Elizabeth, golihiisa wasiiradda iyo Madaxweyne Trump.

Mr. Johnson ayaa xafiiska kusoo laabanaya xilli uu wajahayo dhaleeceyn ku aaddan qaabka uu ula tacaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Ilo wareedyo ka tirsan dowladdiisa ayaa sheegay inuu aad uga taxadari doono goorta iyo qaabka loo qaadayo xayiraadda saaran Britain ee uu keenay cudurka.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Priti Patel, ayaa meesha ka saartay khafiifinta tallaaboyinka ay qaaday dowladda, kadib markii uu xoghayihii hore ee maaliyadda, Philip Hammond ku biiray dadka ku baaqaya in xukuumadda ay la timaado qorshe ay dib ugu hawlgelinayso dhaqaalaha dalka.

R/Wasaare Boris Johnson ayaa noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee dalalka awoodda leh ee uu ku dhacay cudurka karoona fayras.

In ka badan 20,000 oo qof ayaa Britain oo keliya cudurka ugu dhimatay, waxaana dalkaasi uu kamid yahay shanta dal ee ugu dhimashada badan caalamka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...