Beeraleyda Baardheere oo Khasaaraha ka soo gaaray Fatahaadii Webigga Jubba

Date:

Qoysaaska noloshooda ay ku tiirsantahay beeraha ayaa waxaa saameyn ku yeeshay  fatahaada Webiga Jubba  uu sameeyey 23-kii  bishan April.

ku dhawada 2321 beerood  oo ku teedsan afaafka Webiga Jubba ku waa so ku yaallah 63 tuulo  oo hoostaga degmada  Baardheere  ee gobolka Gedo ayaa fatahaadu sameeysay sida ay  sheegeen guddiga iskaashatada beeraleyada degmada  Baardheer.

Dalagyada ay fatahaada ay sameeynta ku sheey ayaa waxaa ka mid ah  Mooska, Bocorka,Cambaha,liinta,Yaanyo, Basal, Bataati, Basbaas, Qare, Digir,Galley iyo Sisinta oo ay beeraleyda abuureen  bilihii febarury iyo Marso ee sanadkan , ku waa soo ay Qorsheynayeen inay goostaan bisha Ramadaan.

C/raxmaan Xaaji Maxamed  Ismaaciil oo 60 jir ah oo ku nool tuulada Mardhaa oo Baardheere 9 Km kaga beegan dhanka waqooyi , kana mid ah beeraleyda fatahaaddu ay ka baabi’isay dalagyadoodii ayaa sheegay in 15 hektar oo uu ku beertay dalagyo kale gedisan ayey biyahu kala tageen,C/raxmaan Xaaji Maxamed  Ismaaciil ayaa sidokale sheegay inuu beerista dalagyadaan uu geliyey dhaqaale gaaraya $2700 sanadkan.

Degmada Baardheere iyo tuulooyinka hoostaga waxaa ku yaalla dhul beereed lagu qiyaasay 123,kun oo hektar oo isugu jira beeraha waraabka iyo kuwa ku baxa biyaha Roobka, Gudiga Iskaashatada Beeraleyda Baardheere ayaa khasaaraha soo gaarey beeraleyda Baardheere ku sheegay in ka badan $975 kun oo dolar.

    

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...