Madaxweyne Farmaajo Oo Umadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Bisha Ramadaan

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka muslimiinta ah, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed bilashada bisha barakeysan ee Ramadan.

Madaxweynaha ayaa xusay fadliga bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.

“Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo iyo kheyr kale oo badan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey halista caafimaad ee ku xeeran dalkeenna oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 ay aad u korortay.

“Dhammaanteen shacab iyo dowladba waa in aan ku baraarug-sannahay halista caafimaad ee dalkeenna ku xeeran ee uu sababay cudurka COVID-19. Waa in aynu u istaagnaa sidii aan ula shaqn lahayn laamaha caafimaadka, uguna hoggaansami lahayn talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka iyo caafimaadka bulshadeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyey dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay kaalmeeyaan waalalahooda dan-yarta ah, maadaama ay jiraan walaalo badan oo Soomaaliyeed oo daruufeysan. Sidoo kale ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinteenna suuban ee Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...