Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Ummadda Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay Bilashada Bisha Ramadaan.

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta Caalamka ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan Ee Ramadaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ayaa xusay fadliga Bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle SWT ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.

“Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. sidoo kalena waa  bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey halista caafimaad ee ku xeeran dalkeenna oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 ay aad u korortay,waxa uuna dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay taxadar muujiyaan islamarkaana iyagoo ka faa’ideysanaya kheyrka bishan hadana ay u hogaansamaan talooyinka Wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha kale ee Dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS  ayaa ku booriyey dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay kaalmeeyaan waalalahooda danta yar maadaama ay jiraan walaalo badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo daruufeysan in la caawiyana u baahan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...