Maamulka Galmudug Oo Xalliyay Colaado Ka Jiray Deegaanno Ka Tirsan Galmudug

Date:

C/di Jaamac Cabdulle Xabeeb oo ka tirsan saraakiisha amniga Galmudug iyo  masuuliyiin ka socday Galmudug ayaa ku guuleystay xallinta colaado ka jiray deegaanno ka tirsan Gobalka Mudug .

Deegaannada Kaxan dhaale Daca dheer iyo deegaanno kale ayaa muddooyinkii danbe waxaaa ku dagaalamayey maleeshiyaad ka soo kala jeeda dad xoolo dhaqato  kuwaa oo isku haystay daaqsinka iyo goobaha biyaha laga cabo ee ku yaalla deegaanka.

Sarakiishaan ayaa sheegay in ay heshiis kala dhex dhigaan beelaha colaadu ay dhexmartay, waxayna rajeeyeen in aysan dib u soolaaban dagaalada ka dhacay halkaasi.

Joojinta colaadaha u dhexeeya dadka xoolo dhaqatada ah waa mid si caam ah ugu soo noq noqata gudaha reer guuraaga waxaana ay colaadaha salka ku hayaan dhul daaqsinka iyo waraabka xoolaha ee deegaannada miyiga ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...