Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Nuur Cadde

Date:

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska oo toddobaadyadii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray qoyskii,saaxibadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Marxuumku, isagoo Alle uga baryay inuu Naxariistiisa siiyo, wuxuuna sheegay in muddo dheer uu usoo shaqeynayay Qaranka.

“Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu soo gudbinayaa xaaska iyo caruurta Allaha u naxariistee Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Waxaan sidoo kale u tacsiyeynayaa eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu muddada dheer usoo adeegaayay.Marxuumka Allaha u naxariisto, dhammaanteenne sammir iyo iimaan Allaha innaga siiyo”ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...