Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Nuur Cadde

Date:

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska oo toddobaadyadii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray qoyskii,saaxibadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Marxuumku, isagoo Alle uga baryay inuu Naxariistiisa siiyo, wuxuuna sheegay in muddo dheer uu usoo shaqeynayay Qaranka.

“Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu soo gudbinayaa xaaska iyo caruurta Allaha u naxariistee Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Waxaan sidoo kale u tacsiyeynayaa eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu muddada dheer usoo adeegaayay.Marxuumka Allaha u naxariisto, dhammaanteenne sammir iyo iimaan Allaha innaga siiyo”ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...