Wasiirro ka tirsan XFS oo gaaray Baraawe

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wafdiga wasiirka ayaa  garoonka diyaaradaha degmada Baraawe  kusoo  dhaweeyey mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo Xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya.

Xubnaha la socda wasiirka ayaa waxaa ka mid ah Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Saciid Fiqi, Wasiirka Gargaarka & Maareynta musiibooyinka ,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Xubno kale, iyagoona halkaasi mashaariic kala duwan ka fulin doono.

“Waxaan maanta Safar shaqo aan ku tagnaya magaalada baraawe ee caasimada maamul gobaleedka Koonfur galbeed oo aan ka sameyneyno mashaariic lagu horumarinayo waxbarashada degmadaas iyo degaanada hoostaga maamulka Koonfur galbeed ” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre .

mashaariicda waxbarasho ee ay ka hirgalinyaso wasaarada waxbarashada dalka degaanada maamulka Koonfur galbeed ay looga goleyahay sidii sare loogu qaadilaha tayada waxbarashada degaanadda hoostaga maamulka Koonfur galbeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal oo shaaciyay xiliga u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee BJFS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliska Qeybta 27-aad ee CXDS oo digniin u diray dadka la shaqeeya Khawaarijta ee Hiiraan

Korneyl Cali Axmed Xaashi (Cali Cagey), Taliyaha Qeybta 27-aad...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...