Dowladda Soomaaliya Oo Jaamac Cabdullaahi Maxamed U Magacawday, Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Turkmenistan.

Date:

Gulshat Mammedova Sahyyevna oo ah Madaxweynaha Baarlamaanka Turkmenistan ayaa ka guddoontay Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed warqadihiisa danjirenimada oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku magacawday.

Jaamac Cabdullaahi Maxamed Ayaa noqonaya Safiirka Soomaaliya waxaana uu saldhigiisu yahay magaalada Ankara.

Iyadoo ku hadlaysa magaca, Afhayeenka Barlamaanka Gulshat Mammedova waxa ay ugu hambalyeeysay Safiirka magacaabistii loo soo magacaabay in uu noqdo safiirka Soomaaliya ee Turkmenistan, waxaana ay u rajaysay guul iyo gobonnimo mudada uu ka shaqeyn doono cilaaqaadka iyo xiriirka kala faa’ideysiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkmenistan.

Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo hadlay ayaa ka mahad-celiyay soo dhoweyntii diiranayd ee loo fidiyay waxaana uu xusay in ay sharaf weyn u tahay inuu noqdo wakiilka Soomaaliya u fadhiya Turkmenistan.

Turkmenistan waa dal Madax banaan waxay ka mid ahaan jirtay Midowgii Sofiyeetiga oo ay ka go’day, waxa ay xiriir dhow leeyihiin dalka Turkiga waxaana sidoo kale looga hadlaa afka Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...