Dowladda Soomaaliya Oo Jaamac Cabdullaahi Maxamed U Magacawday, Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Turkmenistan.

Date:

Gulshat Mammedova Sahyyevna oo ah Madaxweynaha Baarlamaanka Turkmenistan ayaa ka guddoontay Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed warqadihiisa danjirenimada oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku magacawday.

Jaamac Cabdullaahi Maxamed Ayaa noqonaya Safiirka Soomaaliya waxaana uu saldhigiisu yahay magaalada Ankara.

Iyadoo ku hadlaysa magaca, Afhayeenka Barlamaanka Gulshat Mammedova waxa ay ugu hambalyeeysay Safiirka magacaabistii loo soo magacaabay in uu noqdo safiirka Soomaaliya ee Turkmenistan, waxaana ay u rajaysay guul iyo gobonnimo mudada uu ka shaqeyn doono cilaaqaadka iyo xiriirka kala faa’ideysiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkmenistan.

Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo hadlay ayaa ka mahad-celiyay soo dhoweyntii diiranayd ee loo fidiyay waxaana uu xusay in ay sharaf weyn u tahay inuu noqdo wakiilka Soomaaliya u fadhiya Turkmenistan.

Turkmenistan waa dal Madax banaan waxay ka mid ahaan jirtay Midowgii Sofiyeetiga oo ay ka go’day, waxa ay xiriir dhow leeyihiin dalka Turkiga waxaana sidoo kale looga hadlaa afka Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...