Ciidanka Xoogga dalka oo jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyada Al-shabaab

Date:

Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay  in maleeshiyada Alshabaab ay weerar arbushaad ah ku soo qaadeen deegaanka Ceel-saliini ee gobolka Shabeeladda Hoose,halkaasi oo fariisimo militari ay ku leeyihiin ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in Koxda Shabaab khasaare xooggan lagu gaarsiiyay deegaanka Ceel-saliini ee Sh/Hoose,markii weerar arbushaad ah ay soo qaadeen saacadihii la soo dhaafay.

Ciidamada oo ka feejignaa dhagarta Alshabaab ayaa ka hortagay isku daygaasi weerarka ah oo ay soo qaadeen kooxaha jid iyo jahadiidka ah ee Alshabaab,balse jab xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay halkaasi.

Dhanka kale ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Qoryooley ku qabsadey dhowr deegaan,waxaana kamid ah deegaanada Dharsheenley,Bandar,Farkeerow,Xero koowaad iyo Xero labaad,kuwaasi oo dhamantoodi hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose,waxaana jira in dad nool laga qabsaday Al-shabaab

Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Cali Ibraahim ayaa sheeegay in ciidamada dowladda ay howlgal ballaaran ay halkaasi ka fuliyeen ay ku guuleysteen in ay kala wareegaan kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab.

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa mudooyinkii ugu dambeyeey sii kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Alshababa,kuwaasii oo awooddi ay sii wiiqmayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban...