Daawo la’aan ka jirta isbitaalka degmada Mahadaay

Date:

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, mudane Saalax Fuleel Xaaji oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalka degmada ay ka jirto daawo la’aan,isagoo tilmaamay in xilligaan aysan degmada ka jirin goobo caafimaad oo lagula tacaalo bukaanada.

Guddoomiyaha ayaa walaac ka muujiyay cudurro soo rita dadka deegaanka maadaama lagu jiro xilliga kuleelaha waxa uuna sheegay in illaa iyo hadda hal qof uu ugu dhintay cudurka shuban biyoodka tuulada Mareereey halka laba kalane xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

Guddoomiye arrimaha bulshada Saalax Fuleel ayaa Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya iyo tan Hirshabeelle ugu baaqay in daawo lasoo gaarsiiyo isbitaalka degmada Mahadaay oo dadka dantayar ay ku tiirsanaayeen, isagoo intaa ku daray in hadda dadka xanuunadu ay soo ritaan loola cararo magaalada Jowhar.

Degmada Mahadaay ayaa waxaa hoostaga in ka badan 40-tuulo oo dhammaantood aan lahayn goobo caafimaad oo ka jawaabi kara adeegyada kala duwan ee caafimaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Heshiiskii Ankara oo Soomaliya u ah guul diblomaasiyadeed (WARBIXIN)

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey go’aan wadajir ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirweynaha Ka Hortagga iyo la Dagaallanka Maalgelinta Argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi...

Diyaaradaha Ciidanka Cirka oo gaaray saldhigga qeybta 60-aad ee Baydhabo

Diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toos...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo...