Horjooge ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

Date:

Xudur(SNTV)-Ciidamada  Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa Horjooge Sare oo ka tirsanaa maleeshiyayada Argagixisada ah ee Al-Shabaab ku soo bandhigay degmada Xudur ee xarunta Gobolkaasi.

Horjoogahaan oo lagu magcaabo Colaad Cabdiraxmaan Maxamed Xerow,ayaa Kooxda Nabadiidka ah ee Al-shabaab ka tirsanaa 11 sano, Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee magaalada Xudur Ibraahim Isaaq Ibarahim ayaa sheegay in ninkaan uu markii hore xiriir la soo sameeyay kadibna uu isu soo dhiibay  ciidamada Xoogga dalka.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa uga mahadceliyay ciidamada Xoogga dalka dadaalada ay ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen haradiga kooxda Al–shabab ee dhumaaleysiga ku jira.

Colaad Cabdiraxmaan Maxamed xerow ayaa tilmaamay inuu kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab ugu  shaqeyn jiray Darawalnimo, islamarkaana uu isaga soo baxay fikirkooda, kadib markii uu adkeysan waayay waxyaabaha ay sameynayaan oo aan raadka ku laheen shareecada Islaamka.

Howlgalada iyo wacyigelinta ay Ciidamada Xoogga Dalka ka sameeyen gobalada dalka ayaa waxaa ay keentay in ay isi soo dhiibaan maleeshiyaadka horay uga tirsanaa Al-shabaab gaar ahaan Horjoogayaasha, kuwaasi oo ka soo laabanaya Fikirka Xagjirka ah ee kooxda ku dhibaateyso shacabka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlagaladii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen gobalada Bay iyo Bakool waxaa ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay maleeshiyadku ku sugnaayeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka hadlay dhismaha Waddada Jamhuuriya ee degmada karaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...