Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada XFS Oo La Kulmay Ardayda Soomaaliyeed Ee Ku Sugan Dalka Uganda

Date:

Munaasabadaan ay soo qaban qaabiyeen rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa marti waxaa ku ahaa wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Xirsi Warfaa, Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Guddoomiyaha degmada Marko, Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur), aqoonyahannada Soomaaliyeed, guddoomiyaasha Jaamacadaha iyo marti sharaf kale.

Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Khudbad qiimo badan ka jeediyay Munaasabadda ayaa ardayda uga sheekeeyay xaalada dalka si guud, fursadaha Aqoonyahanka u banaan xilligaan iyo Hormarka aay Dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

Wasiirka oo la hadlayay ardayda wax ka barata dalka Uganda ayaa sheegay in deyn cafinta ay meel wanaagsan mareyso, isagoo carrabka ku adkeeyay in waqti badan Xukuumaddu gelisay arrintaasi iyada ah si dalku u gaaro horumar dhanka Maaliyadda ah.

Dhankooda Rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda uga mahad-celiyay gacansiinta ardayda Soomaaliyeed iyo sida ay uga shaqeeyaan in ardaydu ay kulamo la qaadato madaxda dalka Uganda u timaada howlaha shaqo, iyagoo Wasiir Warfaa iyo masuuliyiinta kale ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmahan magaalada Kampala uga qeyb galaya shir looga hadlayay arrimaha Xuquuqda Shaqaalaha isagoona sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Qurba joogta Soomaaliyeed eek u sugan gudaha magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...