Dood ku saabsan arrimaha maqaamka Muqdisho iyo dib u eegista Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Kulan wadatashi ah oo ay soo agaasintay wasaarada Dastuurka ee XFS ayaa aheyd mid looga doodayay dardargalinta dhismaha maqaabka Caasimadda iyo kaalinta kaga xusan dib-u-eegista Dastuurka qaranka.

Kulankan dooda ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano katirsan DFS, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho , guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, qaar kamid ah Agaasimayaasha Dowlada hoose Xamar iyo xubna ka socday beesha caalamka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo madasha ay dooda ka socotay ka hadlay ayaa faah-faahiyay aragtida dadweynaha Caadimadda.

“ Magaalada Muqdisho waxaa kunool dad lagu qiyaasay in kabadan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka Caasimadeed waxaana aragtida dadweynaha Muqdisho kamid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib u dhiska Caasimadda iyo in magaalada ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii laheyd”.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu ka hadlay muhiimada ay lee dahay maqaamka Muqdisho.

“Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan uga mahadcelinaaya wasaarada Dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka Muqdisho”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay kulankani ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo kaalinta maqaamka Muqdisho.

“ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caadimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...