Waxaa goor dhawayd Magaalada Boosaaso dil qisaas ah lagu fuliyay laba xukunsane oo horay lagu helay dilkii allaha u naxariiste Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayda gabar 12sanno jir ahada.
Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu fuliyay dilkaani toogasho halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ahaa Xukmanaha saddexaad mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa kadib markii uu sidaasi codsaday Ilyaas Aaden oo ah aabbaha dhalay Caa’isha .
Maxkamada Darajada Koowaad ee gobalka Nugaal ee racfaanka iyo Maxkamada sare ee Puntland ayaa dhaammaantood si iska mid ah iskugu raaceen xukun dil ah ee ragga lagu helay in ay gaysteen kufsiga Caisha Ilyaas oo ahayd gabar yar oo 12 jir ah taas oo ay kufsadeen raggan saakay toogashada lagu fuliyay.