Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku soo dhigay labo nin oo dil geystay gobolka Galgaduud.

Date:

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Laba Eedeysane oo loo haysto dil Xalay loo geeystay laba nin oo kamid ah dadka deegaanka kaas oo ka dhacay deegaanka Habar-cirir oo dhanka Koonfur ka xiga deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Booliiska degmada Matabaan Dhamme C/fitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa inoo Xaqiijiyey in labada Eedeysane ee Hadda la hayo laga qabtay duleedka degmada Matabaan, isagoo sheegay in ay ku raad joogaan laba  kale oo qeyb ka ahaa dilka.

Talisyada Ciidamada gaar ahaan Booliiska Degmada Matabaan ayaa Bulshada ku wargaliyey in Labada Eedeysane ee hada la raadino Cidii aragtaa ay ku soo wargaliyaan Saldhiga Booliska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...