Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo duqeymo la beegsaday dhismo ay ku sugnaayeen Kooxda Al-Shabaab.

Date:

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in ay duqeyn la beegsadeen dhismo ay argagixisadu ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, iyagoo xusay iney ku dhaawaceen laba ka mid ah horjoogayaasha kooxda.

Jeneraal. Bradford Gering, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgallada ee Taliksa Milatariga Mareykanka ee Africa ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Duqeymaha noocan ah, waa kuwo aan gacan uga geysanno ka hor tagista in Al-Shabaab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo abaabulaan weeraro dhimasho dhaliya oo ka dhan ah Mareykanka iyo saaxibadiisa Bariga Africa”.

Ciidamada XDS oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada ka geysta deegaannada ay haraadiga ku tahay kooxda, kuwaasoo lagu qaarijiyay horjoogayaal ku caanbaxay dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee abriyada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...