Madaxweyne Farmaajo Oo Saxiixay Sharciga Batroolka Ee JFS

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu Sharcigan u leeyahay shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama uu sharcigan hagayo xuquuqda muwaadiniinteennu

ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsiga ku aaddan xasilloonida dalka iyo in wadajir ah ay ugu tallaabsadaan Gu’ga barwaaqo-sooranka iyo horumarka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee ka qayb qaadatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Batroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.

 

DHAMMAAD

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...