Taliska Booliska Gobolka Mudug oo Bulshada ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan nabadda

Date:

Taliyaha qeybta Booliiska Fadaraalka Gobalka Mudug,G/sare; Maxamed Nuur Cali Gadaar, ayaa faah-faahin ka bixiyay xaaladda amni iyo halka ay marayaan dedaallo ku aaddan xallinta xiisado colaadeed oo kasoo cusboonaaday Gobolka.

G/sare; Maxamed Nuur Cali oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dedaallo fara badan oo ay ku bixiyeen qaboojinta dagaalladii halkaasi ka dhacay iyo sidii looga kala Dab qaadi lahaa Beelaha ay xurguftu dhex martay.

Taliyaha ayaa Bulshada reer Mudug ugu baaqay in ay Booliska iyo laamaha ammaanka kala shaqeeyaan amniga iyo nabad gelyada Gobolka, isagoo usoo jeediyay in ay joojiyaan waxyaabaha xiisadda kicin kara.

Hadalka kasoo baxay Taliska qeybta Boliiska Gobalka Mudug ayaa imanaya xilli ay Maalmihii u danbeeyay dilal ku saleysan aanooyin Qabiil ka dhacayeen degaanno ka tirsan Gobolka Mudug inkastoo ay jiraan dedaallo lagu xakamaynayo waxyaabaha dhaliya Gacan ka hadalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...