Madaxweynaha JFS Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ; Saynab Cabdi Macallin ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabbilay Ra’isulwasaare Ku Xigeenkii hore ee Dalka Mudane; Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun) iyo Marwadiisa; Laylo Maxamed Cali.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Mudane; Cusmaan Kalluun ka dhagaystay talooyin dhaxalgal ah wax ku oolna u ah Qarannimada Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha Dalka ayaa waxa uu Mudane; Kalluun uga warramay halka uu Dalku marayo iyo tallaabooyinka ay illaa iyo haatan Dowladdu qaadday si loo soo celiyo haybaddii Qarannimo ee Soomaaliya.