Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Shiinaha oo walaac ka muujiyay Cudurka Coronavirus

Date:

Waxaa sii kordhaysa halista caabuqa ka dillaacay Dalka Shiinaha ee Coronavirus, kaas oo ka billowday Magaalada Wuhan oo ay ku nool yihiin Dad lagu qiyaasay 11 Milyan oo Qof.

Dadka ku nool Magaaladaas waxaa ka mid ah Arday Soomaali ah oo halkaas wax ka barta, kuwaas oo tiradooda ay gaareyso 50 Qof.

Ardayda waxa ay ku go’doosan yihiin qolalkooda jiifka, waxa ay cuntada kasoo iibsadaan Suuqa Toddobaadkiiba Hal mar.

Ardayda Soomaalida ah oo aan meel ku wada noolayn ayaa ku wada xiriira Qolal ama group Internetka ah, si ay ku kala qaataan macluumaadka iyo xogaha.

Cabdiqaadir Maxamed Cabdi , oo ah Arday Soomaali ah ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in waxa ugu badan ee ay ka cabsi qabaan ay tahay in uu saameeyo Cudurka haddii aysan helin gurmad deg-deg ah.

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka daad gureyso Shiinaha, iyada oo kaashaneysa Dowladaha saaxiibka la ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda Soomaalida ku nool Magaalada wuhan ee Dalka Shiinaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka tirsan Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...