Wasiir Beyle oo Jabuuti kula kulmay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya+Sawirro

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

โ€œWaxaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya,โ€ ayuu yiri Wasiir Beyle.

Qorshaha deyn cafinta Soomaaliya ayaa hadda meel wanaagsan mareysa,waxayna Xukuumadda martay wado kasta oo sahli karta cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

โ€œRuushka waa dalka 2-aad ee deyn cafinta ugu badan nagu leh, wada hadalkeenu wuxuu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen,โ€ ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale