Golaha Wasiirada Suudaan oo Shir Degdeg ah Ka Yeeshay Kulankii Dhex Marayย Cabdifataax Al Burhaan iyo Nitanyaahu.

Date:

Golaha Wasiirada dalka Suudaan ayaa kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan waxayna ka wada hadleen kulankii kediska ahaa dalka Uganda ku dhex marayย Madaxa golaha milateriga Suudanย Gen Cabdifataax Al-Burhaanย iyo raโ€™iisal wasaaraha Israaโ€™iil Binyamiin Netanyahu, waxaana kulankan degdega ah hogaaminaya Raโ€™iisal Wasaaraha dalkaย Suudaan Cabdalla Xamduuk.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Suudaanย Muhammad Saalaxย Feysalย ayaa sheegay in kulankaasi uu ahaa mid aah lagala tashan golaha wasiirada Suudaan balse ay si kedis ah u arkeen shirka oo dhacay taasoo ku noqotay arrin layaab ah dawladda Suudaan iyo shacabkeeda.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in aysan ilaa hadda hayn macluumaaq faah-faahsan oo dheeraad ah oo ku saabsan waxyaalihii kulanka looga wada hadlay balse ay sugayaan soo laabashada ย waxaanan sugi doonnaa caddeynno ka dib soo laabashadaย Gen Cabdifataax Al-Burhaanย si ay uga waraystaan kulankaasi iyo sababta kallifi karta.

Golaha Wasiirada Suudaan ayaa laga yaabaa inay fuliyaan goโ€™aan ka dhan ah Cabdilfataax Al-Burhaan maadaama kulankaasi uu noqday mid aan laga wada tashan, shacabka Suudaana dhankooda ay walaac ka muujiyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale