Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa bilowday baaritan caafimaad oo lagu sameynayo dadka safarka ee isticmaalaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ololaha baarista ah ayaa looga goleeyahay ka hortaga feyriska dilaaga ah ee Coronavirus oo dhawaan ka dilacay dalka Shiinah kasoo usoo gudbay dalalka caalamka dadka ayaa lagu baaraya gudaha garoonka marka ay soo dagaan si looga hortago halista ka imaan karta cudurkan.
Dhakhaatiirta Caafimaadka oo ay ugu tala gashay wasaaradda ayaa lageeyay garoonka si ay usameyan baaritaanka ku aadan cudurka Coronavirus oo gud ahaan caalamka ay ka muujiyeen digniino qatar ah.
Qalabka loogu tala galay in lugu baaro ayaa la dhigay qaybta hore ee laga soo galo garoonka diyaaradda si loo xaqiijiyo xaaladdaha caafimaad ee dadka isticmaalaya diyaaradaha u kala gudbaya gudaha dalka iyo dibada.