Kulamo-howleedyo looga hadlayo arrimaha baahinta awoodaha oo ka furmay Muqdisho

Date:

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta magaalada Mudisho ka furay kulamo-howleedyo looga doodayo arrimaha baahinta awoodaha, kheyraad-wadaaga iyo nidaamka maaliyadeed ee federaaleynta kuwaasoo laf-dhabar u ah dhameeystirka dastuurka.

Kulamo-howleedka oo socon doona muddo isbuuc ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay Xafiiska Madaxweynaha iyo Raโ€™iisulwasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, UNDP iyo marba hayโ€™adaha dowladda ee loo baahdo.

Ugu horeyn, waxaa shirka ka hadlay ujeedadiisa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka isagoo ka qaybgalayaasha u sharxay Ajendaha shirka iyo waxa la doonayo in lagu lafaguro kulamo howleedyada is xig-xiga.

Dhanka kale, Madaxa Hayโ€™adda UNDP ee Soomaaliya Mudane Jockely Mason ayaa sheegay in ay bilowga kulamo-howleedyada ee looga hadlayo arrimaha muhiimka u ah dib-u-eegista dastuurka ay tahay mid kor u qaadaysa rajada shacabka iyo dhamaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ee ah in la dhameeystiro dastuurka.

Sidoo kale, Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo furay shirka ayaa yiri โ€œWaxaan qabanqaabada kulamo-howleedyada inuu bilowday maanta ku bixinay waqti iyo dedaal badan, waxaan dooneynaa dhamaan hayโ€™adaha dowladda ee u xilsaaran arrrimaha maalinba laga doodi doono inay soo jeediyaan aragtiyadooda si ay u sahlanaato dhameeystirka dastuurkaโ€.

Ugu dambayn, kulamadan ayaa marka ay dhamaadaan waxaa laga soo saari doonaa aragtiyo mideysan oo horudhac ah kuwaasoo quseeya arrimaha muhiimka u ah geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

โ€”โ€“DHAMAADโ€”โ€“

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale