Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Maaliyadda XFS oo saxiixay mashruuc lagu dhisayo waddooyinka magaalooyinka.

Date:

Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud     iyo     Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono magaalooyinka dalka.

Heshiiska ay mas’uuliyiinta wada saxiixdeen ayaa magaalooyinka lagu dhisidoono waxa kamid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe iyadoo qeybta magaalada Muqdisho uga soo aaday ay tahay ku dhawaad 28-Milyan.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucaan  uu qeyb ka yahay deyn cafinta oo dowladdu ku bixisay dadaal sidii dalka looga cafin lahaa  miradhalkeedana uu heshiiskaan lagu hormarinayo Magaalooyinka uu qeyb ka yahay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay ahmiyada mashruucani,waxaa uuna sheegay in ay tahay tilaabo xaga hormarka looqaaday islamarkaana ay soo dhaweynayaan.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud ee XFS mudane Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu tilmaamay in dowlada federaalka Soomaaliya ay gudaha dalka kawado mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo dib udhiska dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...