Bulshada Galmudug oo taageeray doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Date:

Shacabka Magaalada Galkacyo ayaa taageeray doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo maalintii shalay ka dhacday magaalada dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah Bulshada oo Maanta isku soo bax ay ku tageerayaan doorashada Gudoonka Baarlamaanka Galmudug    ka sameeyey Magaalada   Galkacyo ayaa tilmaanay in ay tageerayaan dadaalada Dowladda Soomaaliya      iyo hannaanka loo maray dhismaha Dowlad Goboleedkaasi.

Maalintii shalayna waxaa   magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug iyo ku xigeennadiisa.

Dhinaca kale qaybaha     Bulshada deegaannada Galmudug ayaa soo dhoweeyay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhusamareb ee lagu doortay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Bulshada ayaa Xildhibaannada  Galmudug ugu baaqay inay Doortaan Madaxwayne Samatabixin kara Galmudug  maadaama dhowaan la filaayo  doorashada Madaxwaynaha Galmudug iyo ku-xigeenka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...