Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo Sheegay in aysan Ogayn Qorshayaal Ay iiraan Ku Weerarayso Qaar Ka Mid Ah Safaaradaha America ee Caalamka.

Date:

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykankaย Mark Esperย ayaa sheegay inuusan arkin ย xog ay ka heleen ama ka timid saraakiisha sirdoonka maraykanka taasoo tilmaamaysa in Iiran ay qorsheyneysay inay weerarto afar safaaradood oo maraykanku ku leeyahay dalalka caalamka, arintan oo Madaxweyne Donald Trump uu hore u tilmaamay kadib dilkii General Qaasim Suleymaani.
Esper ayaa tilmaamay inuu Madaxweyne Trump ku raacsan yahay xogta tilmaamaysa inay dhici karaan weerarro kale oo lagu qaado safaaradaha Mareykanka ee caalamka, laakiin ilaa hadda ma muuqdaan tallaabooyin ka dhan ah safaaradaha America ee caalamka.
Xoghaye Esper ayaa intaa ku daray in dhamaan safaaradaha maraykanka ee caalamka uu la wadaagay arrimaha tilmaamaya suurta galnimada inay dhici karaan weeraro ka dhan ah safaaradaha isla markaana uu ku adkeeyey inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan. Wixii ka danbeeyey markii la xaqiijiyey geerida Qassem Soleimani oo ku dhintay duqayn xagga cirka ah oo Mareykanku ka geystay caasimadda ciraaq ee Baqdaad, waxaana dawladda maraykanku ay u aragtaa dilka sulaymaani in ay ka hortageen khatar halis ku ahayd dibloomaasiyiinta iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq iyo dhamaan dalalka bariga dhexe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay oo Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo dalka dib ugu soo laabtay kadib ka qeybgalkii shirkii Baarlamaannada (๐„๐€๐‚)

Muqdisho:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Dastuurka XFS oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay dhameystirka dastuurka KMG ah

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha DastuurkJFS Mudane Xasan Macalin...

Wasiirka degaanka iyo isbaddelka Cimilada XFS oo kulan la qaadatay Madaxa COP29

Wasiirk wasaaradda degaanka iyo isbaddelka cimilada JFS Amb. Khadija...