Madaxweyne Farmaajo oo u tacsiyeeyay qoyskii marxuum Axmed-Kayse Xaaji Ducaale.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagay Allaha u naxariistee Axmed-Kayse Xaaji Ducaale .

Madaxweynaha oo khadka taleefanka kula hadlay Marwo Qamar Cabdulqaadir Faarax oo ah xaaskii marxuumkaasi iyo  Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Khadra Axmed Xaaji Ducaale ayaa dhammaan xubnaha qoyska, wuxuu Alle  uga baryey in uu samir iyo iimaan ka siiyo

Mudane Farmaajo waxa uu xusay doorkii weynaa ee uu ka soo qaatay xornimada Gobollada Waqooyiga iyo sidii uu waqtigiisa ugu huray midnimada dalkiisa iyo shacabkiisa Soomaaliyeed,isagoo halgamaa Axmed-Kayse Illaah uga baryey inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdawsa.

Alle ha u naxariistee halgamaa Axmed-Kayse waxaa uu ka mid ahaa xubnihii saxiixay xornimadii Gobollada Waqooyiga sannadkii 1960-kii isaga oo sidoo kalena xubin ka noqday Barlamaankii ugu horreeyay ee maxmiyaddii Ingiriiska ee Waqooyiga.

Marxuumku waxaa uu midowgii labada gobol kadib ka mid noqday Golihii Wasiirrada ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa halgankii dheeraa ee uu’ u galay xornimada ummadda Soomaaliyeed iyo ka qaybqaadashada dowlad-dhiska Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...