Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug oo u diyaargaroobaya Doorashada Guddoonkooda.

Date:

Xildhibaanada Cusub ee Galmudug ayaa billaabay diyaargarowga Doorashada Guddoonka Barlamaanka Galmudug ayadoo lagu wado in ay  yeeshaan kulankoodii kowaad oo ay uga arrinsanayaan Doorashada Guddoonkooda.

Xildhibaannada Galmudug ayaa la dhaariyay shalay galinkii dambe ayagoo dhaarinta kadib yeeshay kulan ay ku dooranayeen Guddoomiye kumeel gaar ah oo ay u doorteen Ninka ugu da’da weyn xildhibaannada Galmudug.

Xildhibaannada Galmudug ayaa sidoo kale ka arrinsanaya shuruudaha iyo waxyaabaha looga baahanyahay Musharixiinta u taagan qabashada Guddoonka Barlamaanka Galmudug waxa ay iska soo dhax xuli doonaan Guddiga doorashada Gdudoonka Barlamaanka Galmudug.

Xildhibaannada Galmudug ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag iyo soo doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo waliba doorashada  Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo dhagax dhigay masjid laga dhisayo Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...