Madaxweynaha Ruushka & Hogaamiyaha Jarmalka Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Liibiya.

Date:

Madaxweynaha dalka ruushka Vladimir Putin ayaa si cad u tilmaamay in xaaladda ka taagan dalka Liibiya ay si weyn u saamayn doonto xasiloonida wadamada gobalka isla markaana ay liddi ku tahay dalalka Yurub.

wuxuuna hadalkaan sheegay xilli uu socday shirjiraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen hogaamiyaha dalka jarmalka Angella Merkal iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Kulankan oo qaatay mudo ka badan saddex saacadood oo ka dhacay caasimadda Moscow ayay sidoo kale kaga hadleen xaaladaha ka jira dalalka ku yaalla bariga dhexe iyo dalka Liibiya, iyagoo isku raacay inay yihiin xaalado aan la dhayalsan karin.

Putin wuxuu tilmaamay in la joogo xilligii wadahadal iyo is-fahan nabadeed lagu dhammeyn lahaa arrimaha liibiya, si taas loo meelmariyo ayay tahay in caasimadda Jarmalka ee Berliin la isugu keeno dhinacyada isku haya dalka Liibiya.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel ayaa si cad u tilmaantay in dawladdeedu aysan ku tala gelin inay fara gelin ku samayso xaaladda Liibiya balse ay doonayso in wadahadal lagu xalliyo dhibaatada ka taagan dalka Liibiya.

Angela Merkel iyo Vladimir Putin ayaa sidoo kale isku raacay in haddii ay sii socdaan xaaladaha cakiran ee ka jira dalalka bariga dhexe ay saameyn xooggan ku yeelan karaan dalalka gobolka iyo dhammaan caalamka intiisa kale, iyagoo Maraykanka iyo Iiraan ugu baaqay inay joojiyaan weerarada iyo colaadaha ka dhex aloosmay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...