Ciidamo ka Tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgal dad badan lagu qab qabtay ka sameeyay Xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir.
Ciidamada oo watay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyeen Xaafadaha ay ka koobantahy Degmada Boondheere
Waxana ciidamada ayaa howlgaladaasi ku soo qab qabteen Dhallinyaro aad u fara badan òo lagu Tuhunsanyahay in Fallal amni daro ay ka wadeen Dagmadaas,waxaana ciidamadu ay sii dayeen qaar kamid ah dhallinyarada markii waxa Danbi ah lagu waayay iyagoona ciidamada ay ka xeysteen Tiro kamid ah dhilinyaradii ay Howlgalka ku soo qabteen.
Laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin waxyaabaha ay howlgalkaas kusoo qabteen, hayeeshee todobaadkii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay howlgallo ka fulliyeen degmooyinka, Warta-Nabadda, Waaberi, Xamar Jajab, Xamarweyne, iyada oo xalay laga fuliyey degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir