Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyadeeyey Geeridii ku timid AUN Marxuum Danjire Axmed Keyse

Date:

Madaxwayanaha Maamulka Puntland Dr Siciid C.lahi Dani Ayaa Tacsi ka diray
Geeridii ku timid Alle Ha u naxariistee Marxuum Danjire Axmed Cabdalle
Ducaale Kayse oo maalin ka hor ku Geeriyooday wadanka Maraykanka
isagoona Madaxwayne Dani xusay in uu ahaa Danjire Axmed Kayse shaqsi
Bulshada Soomaaliyeed Qiimo Gaar ah u leh .

Siciid C.laahi Dani Madaxwaynaha Pumtland ayaa dhanka kale marki ugu
horaysay ka hadlay halka ay ku danbeeyeen ragii kufsiga iyo dilka
isugu daray Marxuumad Caisha ilyaas oo sanad iyo dheeraad ka soo
wareegtay dilkeedi halka Maxkamadaha kala duwan ee Puntland ay si islu
mid ah xukuno dil ah ugu rideen eedaysanayaashii dilkii iyo kufsigi u geeystay
Caishaa ilyaas.

Madaxwayne Dani ayaa xusay in Maxkamadayntii Eedaysanayaasha kiiskii
caaisha ahayd Mid daah furan oo aan horay uga dhicin Gudaha Soomaaliya
ayna u xukumeen Garsoorka Puntland hab cadaali ah fulinta xukunkaasina
uusan ku xirnayn Madaxwaynaha Balse ay u madax Banaan tahay Hay’ada
Garsoorka Puntland .

Hadalka Madaxwayne dani ayaa ku soo aadaya iyadoo Bulshada Puntland ay
shaki badan ka muujinayeen bilihii ugu danbeeyay fulinta sharciyadeed
ee kiiskii Marxuumad Caaisha ilyaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...