Kulan ku saabsanaa is-dhaxgalka ardayda Soomaaliyeed oo ka dhacay Hindiya

Date:

Qaar ka mid ah ardayda Soomaalioyeed ee wax ku barta dalka |Hindiya ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray sidii loo heli lahaa xaalad ay ku wada shaqeeyan ardayda dalkaasi ku yeeshay magaalada Heydarabaad ee koonfurta dalkaasi.

Kulankan oo ay so qabanqaabiyeen maamulka midowga ardayda Qaranka ,waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah ardayda kala duwan ee wax ka barata halkaasi.

Kulankan oo  la xiriiray kala warqaadasho  iyo is dhexgalka bulshada waxaa ka hadlay Guddoomiyaha midowga ardayda qaranka soomaaliyeed ee dalka india yaxye sheikh khaliif.

Guddoomiyaha ayaa ardayda u sharaxay waxyaabaha ay xaqa u leyihiin islamarkana ay tahay in ay helan madama ay waxa ku baranayaan dal aan ahayn dalkooda hooyo.

Cabduqadir oo ka mid ah waxgaradka ku nool magalada haydrabad ayaa aradayda ku dhiiragliyay in ay ka dhabeyaan waxbarashadooda madama waqti ku bixiyeen dhinaca waxbarashada.

Ugu dambeeyn waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ardayda kuwaasi oo u mahadceliyay midowga ardayda qaranka soomaaliyeed ,iyagoo ka warbixiyeen qaabka ay ardayda wax u bartaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dhul gariir ka dhcay dalka Indonesia

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi murugo leh u dirtay...